Muqdisho-KNN-Ciidanka kumaandooska Danab ayaa howlgal Qorsheysan ka fuliyey Aroortii hore ee saakay Agagaarka deegaanka Toorotoorow ee gobolka shabeellada Hoose.
Ujeedka howgalka ayaa ahaa sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Ciidanka Danab mid lagu baadi goobayay xubno ka tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Danab ayaa sheegay In Inta uu socday howlgalka lagu soo qabtay 10 ka tirsan Dagaalameyaasha Al-shaabaab.
Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah dagaalameyaasha Al-Shabaab.