Somali News

Ciidamada xoogga oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobalka Bay

Baydhabo-KNN-Wararka ka imaanaya Gobalka Bay ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Koonur Galbeed ay maanta howlgal qorsheysan kula wareegeen deegaano hoostaga degmada Diinsoor ee Gobollka Baay.

Deegaanada ay ciidamada la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah, Raaxoole, Biyo-dhale iyo Bandhuub oo dhamaantood hoostaga degmada Diinsoor ee Gobalka Bay,.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in ciidamada intii ay howlgalka wadeen ay dagaal kala kulmeen dagaalamayaal  ka tirsan Al-Shabaab, iyadoona la soo warinayo khasaaro soo  gaaray labada dhinac.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu faahfaahin howlgalka deegaanada ay ciidamada xoogga ka sameeyeen, iyo khasaaraha ay gaarsiiyeen Al-Shabaab.