Ciidamo ka tirsan milatiga soomaaliya iyo kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu dagaal ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose.
Deeganada ay ciidamada la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Kaamjaroon iyo Buulaxaaji oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, sida uu soo sheegayo weriyaha KNN ee Magaalada Kismaayo Cabdi majiid Cabaas.
Ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay howlgallo ka wadeen degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland


