Somali News

Ciidamada Xoogga oo La wareegay deegaano ka tirsan Shabeellada Hoose.

Muqdisho-KNN-Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalka Shabeeladda Hoose.

Deegaannada ay ciidamadu ay la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Tulooyinka Godale, Cadaleey, Luqamaan, Cilmi Shide iyo Baladul Amiin ee Gobolka Shabeelada Hoose iyo goobo kale.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa deegaanada kor ku xusan waxaa  ay dadka kaga qaadi jireen lacago xad dhaaf ah, maadaama shacabka ay dhibaato badan ku qabeen.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga ayaa Sheegay in weerar kooban ay la galeen Al-Shabaab ay ku dileen  Shan xubnood iyo Hoggaamiyihii  watay dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Saraakiisha Taliska Ciidanka lugta ee xoogga dalka ayaa ayaa balan qaaday in ay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan  ilaa inta laga tirtirayo Al-Shabaab ee ku sugan a meelo ka mid ah Gobolka Shabeelada Hoose.

Majirto wax khasaare ah oo gaaray dadka ku nool deegaanka Baladul Amiinee Gobalka Shabeellada Hoose sida ay Sheegeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.