Baydhabo-KNN-Taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobalada Bay iyo Bakool ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha dhinaca amni kaga aadan xilliga ay dhaceyso doorashada koonfur Galbeed.
Taliyaha qeybta 6aad ee Ciidanka xoogga dalka Janeraal Ibraahim Yarow Isaaq ayaa sheegay in Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda ee deegaanada Koonfur Galbeed aysan ka qeyb noqon Karin ololaha socda ee doorashada.
Waxaa uu uga digay Saraakiisha iyo Ciidamada in marnaba aysan faraha la gelin doorashada cidii lagu arkaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono waa sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka ka soo baxay Taliyaha qeybta 6aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa ku soo aadaya xilli madaxda Dowladda Federaalka lagu eedeynayo in ay faragelin ku heyso doorashada Koonfur Galbeed ee somliyaa


