Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa sheegaya in Maanta ciidamada Xoogga ay kordhiyeen Howlgalka ka dhanka ah Al-SHabaab ay kla wadaan Wadadaasi.
Dadka Degaanka ayaa KNN u Sheegay in Maanta ay arkayeen ciidamada Booliska ee dhawaan la geeyay degaanka Qalimow,iyo degaanada kale oo maanta aad u adkeeyay amaanka wadadaasi.
Saraakiisha Amaanka ee ku sugan Degaanka qalimow ayaa sheegay inMaal maha soo socda ay Weerari doonaan degaanada Al-Shabaab ay ka soo abaabulaan dagaalka.
Maamulka hirshabelle ayaa maalin ka hor waxaa ay Ciidamo aad u badan ay dhigeen wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe,kadib markii ay kordheen weerarada dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka geystaan Wadadaasi.
Dhaq-dhaqaaq ciidan ayaa maanta laga dareemayaa degaanka Qalimow iyo tuulooyinka hoostaga Magaalada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe oo ay sameynayaan Ciidamada Xoogga iyo kuwa Maamulka Hirshabelle.