Muqdisho-KNN-Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay Al-shabaab kala wareegeen Deegaanka Baladul Amiin iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose.
“Howlgalada sidii loo qorsheeyay ayay u dhaceen, Saaka waxaan la wareegnay Deegaanka Baladul Amiin, waxaan sidoo kale Argagaxisada shalay ka saarnay Cumar Beer oo aheyd Meel ay dhigtaan Hantida ay ka dhacaan shacabka, Sabiib iyo Caanoole waxaan la wareegnay shalay Galinkii dambe, way iska cararayaan marka uu howlgal bilowdo, dad awood leh oo dagaalami kara maaha”.ayuu yiri Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab.
Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Gaadiid ay ka carareen Al-shabaab iyo Dukumiintiyo ay lahaayeen.
Sidoo kale waxaa shaaca ka qaaday in ay bur buriyeen saldhigyo Al-shabaab ay Ku leeyihiin deegaanka Baladul Amiin.
“Waxay ka carareen oo aan gacanta ku dhignay Dukumiintiyo ay baad kaga qaadi jireen Shacabka iyo Gaadiid ay ka carareen, sidoo kale Gaadiid ay qaraxyo ku buuxiyeen ayaan qarxinay halka kuwa kalena ay la carareen, Ciidanka ayaana ku daba jira”.ayuu yiri.
Howlgalkan ayaa Ku soo beegmayaa kadib markii shalay ciidamada xoogga ay La wareegeen deegaanka Sabiib ee Gobalka Shabeellada Hoose.