Somali News

Ciidamada xoogga oo miino Baaris ka sameeyay Hiiraan.

Muqdisho-KNN-Maxamed  Cabdi Xassan Amaanduulaha Guutada 5aaad Ee Ciidanka Xoogga Dalka Gobolka Hiiraan ayaa Sheegay in Howgal ay Ciidamada ka sameeyeen Gobolka Hiiraan Gaar ahaan wadada Xiriirisa Beledweyne iyo Buula Burde ,Waxaa uuna Sheegay in ay ku guuleysteen Fashilinta 80 Miino Oo ay Dagaalamayaasha Al Shabaab Wadooyinka ay Ku aaseen 


Korneel- Maxamed Cabdi Oo Howlgalka Ka Dib warbaahinta La Hadlay ayaa Ka warbixiyay Hanaanka uu howlgalku u dhacay iyo ujeedka Howlgalka waxa uuna tilmaamay in maalmaha soo socda ay weerar ku yihiin Al-Shabaab.


Hadalka amaanduulaha Guutada 5aad ee Ciidanka Xooga ayaa Imajaya iyada oo Maalmihii udambeeyay Ay Ciidamadu Howlgallo Qorsheesan Oo Ka dhan ah Al shabaab Ka Sameenayeen Gobolkaasi Hiiraan Gaar ahaan Baladweyen Buula Burde Iyo Maxaas Oo Ka Wada Tirsan Gobolka Hiiraan.