Afgooye-KNN-Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay dhaq dhaqaaqyo ciidan waxaa ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose.
Dhaq dhaqaaqyadan oo ah mid qorsheysan ayaa Saraakiisha ciidamada waxaa ay ku sheegeen in uu yahay mid lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in ciidamada xoogga ay saakay ka sii gudbeen tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeellada Hoose, waxaa ayna sheegeen in cabsi badan ay soo wajahday.
Howlgalada ka socda Saakay Gobalka Shabellada Hoose ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa kadib markii shalay ciidamada xoogga ay la wareegeen deegaanka Bariire.
Dhanka kale Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa waxaa ay qoraal ku sheegeen in aan waxba ka jirin wararka sheegaya in deegaanka Bariire ay la wareegeen ciidamada xoogga dalka, iyagoona sheegay in deegaanka ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.