Somali News

Ciidamada xoogga oo weerar ku qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin Hiiraan

Muqdisho-KNN-Ciidamada ka tirsan milariga Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday fariisin ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku leeyihiin inta u dhexeysa degmooyinka Buula burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa waxaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab badan ay saldhigyo ka sameysteen wadada u dhexeysa Degmooyinka Buula burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Gaashaanle dhexe Maxamuud Xassan Ibraahim taliyaha guutada 22’aad ee qaybta 27’aad oo Wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu sheegay in weerarka ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana ay bartilmaameedsadeen saldhigyadooda.

Taliyaha ayaa sheegay in 7 xubnood ay weerarka ku dileen, islamarkaana gaadiid iyo hub ay ka carareen Al-shabaab ay soo qaateen ciidamada xoogga dalka.