Somali News

Ciidamada xoogga oo xubno Al-shabaab ah ku dilay gobolka Bay

Ciidamada xoogga iyo kuwa Koonfur Galbeed oo iskaashanaya ayaa ka hortagay weerar ay Alshabaab ay ku qaadeen Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay.

Gudoomiyaha Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay ayaa sheegay in 5-kamid ah dagaalamayaasha Alshabaab ay ku dileen weerarka, halka 6 kalana ay dhaawaceen.

Maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa Gudaha magaalada kusoo bandhigey Meydadka ay uga dileen Weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen deegaanka Awdiinle.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay ay howlhalo ka socdaan deegaanka Awdiinle