Somali News

Ciidamada Yahuuda oo dad rayid ah ku diley dhulka Falastiin

Ciidanmada Israel ayaa Sadex qof oo shacab Falastiiniyiin ah ku dilay magaalada Neblas ee ka tirsan daanta galbeed oo ka mid ah magaalooyinka ay xooga ku haysato.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Falastiin ayaa lagu sheegay rasaas ay fureen ciidamada Israel inay ku geeriyoodeen 3 ruux halka ay 5 kalena ku dhaawacantay.

Dadka geeriyooday waxaa ku jira wiil yar oo lagu magacaabi jiray Xamsa Amjad Ciidamada Yahuuda ayaa todobaadkaan in ka badan 10 ruux ku dilay magaalooyin ku yaala dhulka ay xooga ku haystaan ee Falastiin.