Somali News

Ciidamada Yahuuda oo duqaymo lixaad leh ka gaystay marinka Gaza

Muqdisho-KNN-Ciidamada Yahuuda ayaa tobanaan gantaalo ku tuuray magaalada Gaza qaybta ay maamulaan ururka Xamaas.

Weerarkan oo dhacay subaxnimadii maanta oo sabti ah ayaa ciidamada Yahuudu waxa ay sheegeen in uusan jirin wax qasaara ah oo ka dhashay duqaymahaasi.

Wakaalada wararka ee Falastiin ayaa sheegtay in diyaaradaha Israel ay duqeeyeen deegaano hoostaga waqooyiga magaalada Gaza.

Duqaymahan ay Israel ka gaysatay Gaza ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Yahuuda ay shalay marinka Gaza ku dileen 4 kamid ah dadka Falastiiniyiinta ah.

Afhayeen u hadlay wasaarada caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in sidooakle isku dhacyadii shalay ay ku dhaawacmeen 51 ruux oo kale.

Wasaarada caafimaadka ee Gaza ayaa ku warantay tan iyo iyo markii ay bilawdeen dibaxyada bishii March ee sanadkii hore in ay dhinteen illaa 275 ruux oo Falastiiniyiin ah.