Somali News

Ciidamadda Amaanka oo toogtay raggii Weeraray Dhismaha Wasaaradaha A/gudaha, Amniga iyo Isgaarsiinta Booliska

Muqdishu-KNN-Ciidamadda Amaanka ayaa dilay dagaalamayaal hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo weerar ku qaaday Dhismaha ay daganyihiin Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Amaanka ee Xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya. sidoo kale xarunta waxaa ku yaala Isgaar siinta Booliiska.

Weerarkaan oo ay Al-shabaab sheegteen waxaa uu ku Bilowday Qarax gaari loo adeegsaday, waxaana xigay rasaas xoog leh oo ay isweeydaarsadeen Ciidamadda Amaanka iyo Dagaalamayaasha Al-shabaab, Daqiiqado kadib waxaa Isgoyska Sayidka ku qarxay gaari kale oo lasheegay in uu ahaa kii ay ka dageen Dagaalamayaasha Weerarka toos ka ah qaaday.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ee weerarka qaaday waxaa tiradooda lagu sheegay Afar Nin, mid ka mid ah waxaa uu waday gariga is qarxiyay halka Sadaxda kalena ay Ciidamadu ku dileen gudaha dhismaha, sidaas waxaa radio kulmiye u xaqiijiyay Saraakiil Dowladda ka tirsan.

Waxaa hadda dhismaha gudihiisa ka socda Howlgal hubin ah oo ay Ciidamaddu wadaan.