Sool-KNN-Ciidaanka Maamulka puntland ayaa Weerar jidgooyo ah ku dilay sargaal sare oo ka tirsan Ciidanka Somaaliland waxaana soo baxaya warar sheegaya in sidoo kale ay dhinteen ilaaladii sargaalka la socotay.
Gaashaanle Saleebaan Cabdi Caatay oo ahaa taliyihii ciidanka Somaaliland ee Taleex ayaa weerar dhabo gal ah lagu dilay xilli lasheegay in uu usocday Ciidamaddaa Somaliland ee aagga Tukeraq, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Biyaha Soomaaliland Saleebaan Cali koorre.
Duqqii Magaaladda Taleex ayaa sidoo kale la sheegay in uu dhaawac culus soo gaaaray.
Wasiir Koorre waxaa uu shegay in tilaabo deg-deg ah ay qaaadi doonaan ciidamadda Somaliland ee joogga Tokeraq.
Waxaa soo baxayay saacadihii hore ee Sabtiga in ay labadda dhinac madaafiic isku duqeeyeen, lama xaqiijin khasaaraha saxda ah.


