Uncategorized

Ciidamadda Xooga Dalka oo la sheegay in 30% aysan Hubeeysneeyn.

Muqdisho-KNN-Qiimeyn dhinaca Militeriga oo ay sameeysay Xukuumadda Somalia ayaa lagu soo ogaaday in qaar kamid ah ciidamada qaranka ee ka howlgalaayay 4-saldhig oo ay Al-shabaab jiireen tan iyo bishii September kuna dileen ilaa 60-askari ay ahaayen kuwo aan hub haysan.

Qiimeentaan waxaa lagu qeexay in 30 boqolkiiba ciidamada Soomaalida aysan haysan wax hub ah,saldhigayada qaar ee qiimenta lagu sameeyayna ma yaaliin hub dhexe ama kuwa culus.

Wasiirka difaaca Soomaaliya Maxamed Mursan Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qiray gaabiska dhinaca hubka ee haysta ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Wareysi gaar ah uu siiyay VOA-da waxa uu wasiirka shaaciyay inay jiraan ciidamo Soomaali ah aanan wax hub ahna haysan balse dowladda ay isku dayeyso inay hubkooda u dhamaystirto inkastoo badankooda ciidamadu hub haystaan.

Wasiirka difaaca ayaa sheegay inay jiraan dul duleela muuqda balse ciidamada ay yihiin kuwo tababarkoodi dhamaystiran yahay.

Wasiirka Difaaca ayaa sheegay in ciidamada qaranka oo tiradoodu gaareyso 26.000 askari ay qaadanayaan musharadkooda balse tiradaas waxaa ku jira kuwo howlgab ah iyo kuwa da’a.