Somali News

Ciidamadii ay dhawaan reer Xeraale ku wareejiyeen RW Kheyre oo diiday in Tababar loogu qaado Guriceel

Dhuusamareeb-KNN-Ciidamo ku sugan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud oo dhawaan lagu wareejiyey dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay in loo qaado degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud si qeyb ay uga noqdaan Ciidamo lagu tababarayo Dugsiga tababarada ciidamada ee Harqaboobe oo ku yaalla duleedka waqooyi ee magaalada Gurceel.

Sababta ay u diideen Ciidamadu in loo qaado Gurceel ayaa waxa la sheegay in ay salka ku heyso dagaal horay Xeraale ugu dhexmaray maleeshiyaad kala taabacsanaay maamuladii hore ee Ahlusunna iyo Galmudug oo markaas kala fadhiyey magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Ciidamadaan oo u abaabulan qaab maleeshiyo beeleed ayaa haatan ku sugan deegaanka Xeraale, waxaana dhawaan waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Xeraale ay ku wareejiyeen iyaga, hubkooda iyo gadiidkoodaba Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre mar uu socdaal ku marayey deegaanada maamulka Galmudug, waxa uuna fagaaraha Xeraale ka  sheegay  Ra’iisul Wasaaruhu in la qarameynayo ciidamadaas.

Ciidamo badan oo laga soo kala qoray deegaanada maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in la isugu geeyo si ay halkaas tababar ugu qaataan Dugsiga tababarada ciidamada Harqaboobe oo ku yaalla magaalada Gurceel, waxaana shalay halkaas tababar looga furay dufcadii ugu horeysay oo la sheegay in ay gaarayaan 120 Askari, kuwaas oo diyaarado looga soo qaaday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.