Uncategorized

Ciidamadii Galmudug iyo Maleeshiyadii Shalay ku dagaalamay Cadaado oo wali is hor fadhiya.

Cadaado-KNN-wararka Saakay Naga soo gaaraya duleedka degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud ayaa soo sheegayo in saakay ay xiisad ka taagan tahay goobihii shalay ay Ku dagaalameen Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya qeebtooda Galmudug iyo maleeshiyo is aruur satay oo isbaaro u taalo duleedka degmadaasi.

Wariyaha Idaacada Kulmiye ayaa soo sheegayo in wali Ciidamada ay is hor fadhiyaan labada dhinacna ay heleen ciidamo gurmad ah Waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu dib u bilaawdo.

Dagaalkii shalay dhax maray labada ciidan ayaa waxaa Ku dhintay ugu yaraan 6 qof halka in ka badan 20 kalane ay Ku dhaawacmeen.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in uusan dagaalka joogsan doonin ilaaa ay ka qaadaan isbaaradaasi.