Uncategorized

Ciidamadii ka baxay Baardheere oo fariisin ka sameystay Beled-Xaawo

Beled-Xaawo-KNN-Ciidamadii ka tirsanaa Jubbaland iyo Kuwii kenya ee dhawaan ka baxay Degmada Baardheere ee gobalka gado ayaa Fariisin cuusb ka sameestay Xaafado ka tirsan Beled-xaawo sida ay dadka deegaanka noo sheegen.

Ciidankaan o wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay la geeyay goobihii Al-Shabaab Ciidamada jubbaland ay ku wareereen ee Beled-Xaawo iyo Nawaaxiga Xadduuda labada Dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Kenya ayaa la sheegay in ay fariisimo ka sameestay meelo duleedka ah degmada Beled-Xaawo halkaasi oo ay soo mareen Al-Shabaabkii weeraray Ciidankii Jubbaland ee ku sugnaa Beled-Xaawo.

Dhawaan ayaa Ciidankaan waxa ay soo baneeyeen Saldhigyo ay ku lahaayeen Degmada Baardheere ee gobalka Gado halkaasi oo la geeyay Ciidamo Ethiopian ah oo garab siin doono kuwa Soomaaliya ee halkaasi ku sugan.