Uncategorized

Ciidamadii Qal Qalka geliyay Ammaanka Magaalada Cadaado oo banaanka looga saaray

Galinsoor–KNN–Mahad Salad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ah,islamarkaana ka mid ahaa Xildhibaanadii dhawaan Magaalada Cadaado u tagay Xalinta Xiisada u Dhexeysa Madaxda galmudug ayaa waxaa sheegeen in Ciidamo badan ay ka saaray Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud ,waxaana Ciidamada la geeyay Baro Cayiman oo ku yaalla Banaanka Magaalada.

Sidoo kale Xidhibaan Mahad ayaa  Xusay in Ciidamadan ay ku milmeen Mudooyinkii ugu dambeeyay Xiisada u dhexeysa Madaxda Maamulka galmudug,wuxuuna sheegay in Saakay Ciidamada ay kula hadleen Magaalada gilinsoor,waxaana ay ugu baaqeen Ciidamada in ay ku laabtaan Gobihii ay horay uga yimaadeen.

Xildhibaan Mahad ayaa sheegay in hadda ay ku sugan yihiin Degaanka Galinsoor,waxaana uu tilmaamay in Magaalada Cadaado ay dib ugu laaban doonaan oo ay sii wadi doonaan Wada-hadalka.

Xaalada Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa Lagu Soo Waramayaa in Maanta ay Degan tahay,iyadoona ay Xusid mudantahay in Weli aan Xal laga gaarin khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda Sare ee Maamulka galmudug.