Nairobi-KNN-Dawlada Kenya ayaa ciidamadii ugu badnaa geysay magaalada caasimada ah ee Nairobi iyo magaalooyin kale ayadoo ay dhacayso xaflada caleemo saarka M/weynaha mar kale loo doortay dalka Kenya Uhuru Kenyatta.
Ciidamada rabshadaha ka hor taga ayaa la geeyay dhawr xaafadood oo magaalada Nairobi ku yaala si ay uga hortagaan rabshado ay sameeyeen taageerayaasha mucaaradka dalkaasi oo ka biyo diidsan in Uhuru noqdo M/weynaha si weyna u diidan natiijadii kasoo baxday doorashadii dalkaasi ka dhacday labada jeer sanadkaan.
Hay’adaha amaanka waxay sheegeen in sidoo kale amaanka ay ka qeyb qaadanayaan ciidamo si gaar ah u tababaran si looga hortago weeraro ay ku tilmaameen kuwa argagixiso oo dalkaasi ka dhaca maadaama madaxda ka qeyb galay caaleema saarka m/weynaha uu ka mid yahay R/wasaaraha Yahuuda Binjamin Natanyahu.
Rabshado ay gacanta isku tageen ciidamada amaanka iyo banaanbaxayaal taageersan hogaamiyaha mucaaradka Railla Odinga ayaa ka dhacay banaanka garoonka xafaladu ka dhacaysay ee Kasarani.
Ciidamada ayaa aad u adkeeyay amaanka agagaarka garoonka waxaana wararka qaar sheegayaan inay hakiyeen dhaq dhaqaaqa dadka maadaama rabshadi dhacday.
Warbaahinta dalka Kenya qaarkood ayaa baahiyay in dhawr qof ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday banaanka garoonka kubbadda cagta ee munaasabadu ka dhacaysay.
Dadka ayaa isku dayayay inay xoog ku galaan garoonka oo buux dhaafay sida uu qoray wargeyska Daily Nation.
Madaxda 40 wadan oo iskugu jira madax sare iyo dibloomaasiyiin ayaa ka qeyb galay xafladii lagu dhaarinayay M/weynaha Kenya waxaana ka mid ah M/weynaha Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo
Magaalooyin kale oo ku yaala dalka Kenya ayaa amaankooda aad loo adkeeyay maanta.
Uhuru Kenyatta M/weynaha la dhaariyay oo xafiiska sii joogi doona 5,ta sanno ee soo socota ayaa ku guulaystay doorashadii lagu celiyay ee dhamaandii bishii hore la qabtay ayadoo doorashadaan dambe uu ka maqnaa hogaamiyaha xisbiga NASA Railla Odinga oo diiday inuu ka qeyb galo.