Uncategorized

Ciidamado Mareykan ah oo lagu Dilay Gudaha Dalka Afghanistan

Muqdisho-KNN-Labo kamid ah Askarta dowladda Mareykanka ayaa lagu dilay gudaha dalka Afghanistan sida lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray hawlgalka NATO.

Military’ga Mareykanka ayaa sidookale xaqiijiyay dhimashada labada Askari balse wuxuu sheegay in aanan lashaacin doonin tan iyo inta laga wargalinayo qoysaskooda.

Dhimashada Askartan oo lashaaciyay Arbacada maanta ah ayaa kusoo beegmaysa maalin kadib markii caasimada Kabul uu booqasho aanan horay loosii shaacinin uu ku tagay xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka ee Mike Pompeo.

Pompeo ayaa kulamo laqaatay madaxwaynaha Afghanistan  Ashraf Ghani iyo siyaasiyiin sar sare oo kamid yahay madaxwaynihii hore ee dalkaasi Hamid Karzai isagoona kala hadlay dadaalada nabadeed uu Mareykanku garwadaynka kayahay.

Sidoo kale Pompeo ayaa sheegay in Washington ay rajo wanaagsan kaqabto in hishiis nabadeed lagaaro kahor doorashada madaxtinimo ee dalkaasi oo lagu wado in ay dhacdo dabayaaqada bisha September.

Inkabadan 2,400 oo Askari ayaa Mareykanka kaga dhimatay dagaalka Afghanistan tan iyo markii xulafada uu hogaaminayo ay kusoo biireen dagaalka Afghanistan 2001’dii.