Somali News

Ciidammada Hindiya oo lagu eedeeyay jirddil ay u geysteen shacabka ku nool Kashmiir

Muqdisho-KNN-Tiro kamid ah shacabka ku nool deegaannada dhaca koonfurta gobolka Kashmiir ayaa ku eedeeyay ciidammada ammaanka Hindiya inay jirdil iyo tacaddiyo u geysteen.

Eedeymaha loo jeediyay ciidammada Hindiya ayaa imaanaya kaddib markii xukuumadda Delhi ay aqoonsigii gaarka ahaa kala noqotay Kashmiir.

Kala bar shacabka ku nool Kashmiir ayaa weriyaha BBC u sheegay in garaac iyo jirddil loo geystay iyadoo ay ciidammada u adeegsadeen ulo iyo xargaha korontada.

Dadka qaar jirkooda waxaa ka muuqdaa dhaawacyo.

Bayaan ay soo saareen ayaa waxay Hindiya sheegtay in Ciidammadeeda aysan wax dhibaato ah u geysan shacabka Kashmiir.

Deegaanada dhaca koonfurta Gobolka Kashmiir ayaa waxaa muddo tobonaan sanno ah ka jiray kacdoon ay wadaan kooxo gooni u goosad ah uu doonaya in gobolkaas looga dhawaaqo madaxbanaani.