Uncategorized

Ciidamo Ajaanib ah oo duleedka magaalada Kismaayo ku bur buriyay Saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen

Kismaayo-KNN-Wararka laga helayo duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Juba-land ayaa sheegay in ciidamo isugu jiro Amerikan, Kenyaan iyo kuwa Jubaland ay bur buriyeen saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Baar- sanguuni oo qiyaastii 45 KM u jira magaalada Kismaayo.

Saraakiisha ciidamadaan hor kacaya ayaa sheegay in ay dileyn in kabadan 30 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalana ay la wareegeen agab kale oo ciidan.

Howgalkaan oo ay hor kacayaan Ciidamadaan cadaanka ah ee Amerikaan ah ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay waxay ka wadeen deegaanada dhaca duleedka magaalada Kismaayo, kuwaas oo mararka qaar la kulmayay weeraro kaga yimaada dhanka Al-shabaab.

Weerarkii ugu dambeeyay ee ciidamada howgalka wada lala beegsaday ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Buula-gaduud, oo Al-shabaab ay sheegeen in weerarkaas ay ciidamada ay ku gaarsiiyeen khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aysan shaacinin khasaarahaas ay sheegeen inta uu la egyahay.

Warar qaar ayaa waxaa ay Sheegayaan in Maanta Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ay ka Sameynayaan Ciidamada mareykanka,Kenya iyo Jubbaland,kaasi oo qorshahooda uu yahay sidii Al-Shabaab ay ugu saari lahaayeen degaanada ay ka arimiyaan Gobalka jubbada Hoose.

Meelaha ugu badan ay Sedexdan Ciidan ee iskaashanaya ay ka fuliyeen howlgalada ayaa waxaa ka mid ah Degaanka Buullo gaduud, Cabda Biroole iyo tuulooyin duleedka ka ah Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Gobalka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu ka mid yahay meelaha inta badan Deegaanadooda ay ku dagaalamaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland oo garab milatiri ka helaya Mareynkanka iyo Kenya.