Somali News

Ciidamo Ajaanib ah oo weerar ka fuliyay Shabeelaha Hoose.

Muqdisho-KNN-Wararka laga helayo Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in mareykanka ay weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Hantiwadaag oo ku yaala Gobalkaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in deegaanka uu weerarka ka dhacay ee Hantiwadaag uu 12 KM u jiro degmada Janaale ee Gobalka Shabeelah hoose.

Saraakiil ka tirsan maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay  in diyaarado dagaal oo waday Ciidanka ay askar ku daadiyeen duleedka deegaanka Hantiwadaag, islamarkaana halkaasi ay lug ku galeen deegaankaasi.

Waxaana la sheegayaa in khasaaro lixaad leh uu ka dhashay weerarkaasi, iyadoona la bartilmaameedsaday saldhig ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Deegaanka Hantiwadaag  oo ka tirsan Gobalka shabeelaha Hoose ayaa hada waxaa maamula dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha oo la beegsanayo xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan qaar ka mid ah Gobalada dalka.