Somali News

Ciidamo AMISOM ah oo mar kale la geenaayo Dhuusamareeb

Ciidamo katirsan  midowga Africa  gaar ahaan kuwa Itoobiya ayaa maanta lagu wadaa sida wararka sheegayaan  in la geeyo magaalo madaxda Galmudug ee Dhusamareeb .

Askartaan ayaa kamid noqonyo  ciidamada AMISOM  ee ka qeyb qaadanaya amniga magalada Dhuusamareeb iyo deegaano iyo dagmooyin katirsan Maamulkaa dhawaana la filaayo in ay ka dhacdo doorashada maamulkaa.

 Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in maanta Ciidamo itoobiyaan ah in la geynayo Magalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug.

Shalay ayeey aheed marki magaladaasi lageeyay ciidamo katirsan midowga Africa gaar ahan kuwa ka socda dalka Jabuuti ee ka Howgala Dagmooyin katirsan Goblka Hiiraan ,kuwaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb.