Somali News

Ciidamo badan oo lagu daadiyay wadooyinka deegaanada Puntland

Wararka ka imaanaya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in maanta ciidamo ciidamo bafan la dhigay wadooyinka magaalooyinkaasi, waxaana amarkan bixiyay saraakiisha Laamaha Amniga Puntland.

Talaabadan ayaa ka dambeeysay kadib markii saraakiisha laamaha ammaanka ay fareen ciidanka in ay ayaa tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo diida isticmaalka iyo socod-siinta Shilin Soomaaliga.

Magaalooyinka Puntland qaarkood, ayaa maanta lagu arkayaa ciidamo kala duwan oo dharcad u badan, kuwaas oo lagu amray in ay xabsiga dhigaan cid kasta oo diida lacagta Shilin Soomaaliga.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa wata Lacago shilin Soomaali ah, waxaana la sheegay in ujeedkoodu yahay sidii lagu ogaan lahaa dadka diiddan Shilin-ka soomaaliga ah.

Qorshahan ciidamada loogu daadiyay wadooyin ayaa ku soo aadaysa , xilli weli magaalooyinka Puntland laga diidanyahay Lacagta Shilinka Soomaaliga, inkastoo qayb-ahaan ay dhaqan-galeen qaar kamid ah go’aannadii laga soo saaray socodsiinta shiling soomaaliga ah.