Somali News

Ciidamo badan oo maanta howgal qorsheysan ka fuliyay Sh.Hoose.

Afgooye-KNN- Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay  Holwgal ka sameeyeen Xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka ayaa si gaar ah waxaa uu kaga dhacay xaafado ay ka mid yihiin Xaawo Taako, 21 October, iyo dhagaxtuur oo dhamaantooda ka wada tirsan degmada Afgooye.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa cusub oo ka tagay  Magaalada Muqdisho, islamarkaana tagay degmada Afgooye, iyagoona halkaasi howlgalo ka sameeyay.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in Howlgalo lagu baadi goobayay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dhalin yaro badan ayaa la soo sheegayaa in howlgalka ka dhacay degmada Afgooye lagu qabtay, sida uu sheegayo Wariyaha KNN Axmed Abuukar Sabriye.

Degmada Afgooye ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan koox hubeysan, kadibna goobta ay falka ka geysata ka baxsada.