Uncategorized

Ciidamo boolis ah iyo militiri oo ku dagalamay xaafada siligga Ameerikaanka ah kadib bur-burin laga bilaabay xaafadaas.

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya xaafada siliga ameerikaanka ah ee degmada wadajir Ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo kuwa militiri ah ay ku dagaalameen Xaafadaasi,iyadoona sidoo kale dagaalka ay qeyb ka yihiin Dadka deganka Xaafadaas.

Sida la sheegay in ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa weerarka ku soo qaaday ciidamo militir ah oo degan xaafada siliga Ameerikaanka ah,iyadoona khasaaro uu ka dhashay dagaalkaasi.

Sababta dagaalkan ka dambeysay ayaa waxa lagu sheegay inay tahay kadib markii ciidamo ka tirsan dowlada ay mudooyinkii dambe ay wadeen sidii shacabka ku nool xaafada siliga ameerikaanka ah ay ugu guurin lahaayen xaafadaasi,iyadoona taasi ay ka biiyo diideen ciidamo militiri ah oo ku sugan goobta uu dagaalka ka dhacay,sida sheegeen dadka degaanka ah.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowlada ay bilaabeen bur-burin ay ku sameynayaan guryaha ay deganyihiin shacabka ,islamarkaana loo qabtay mudo saacado ah,si ay halkaasi ugu guuraan.

Midka ka mid ah saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee Weerarka lagu soo qaaday oo la hadlay idaacadda kulmiye ayaa sheegay in Ciidamo boolis ah ay weerarka ku soo qaadeen,islamarkaana ay iska caabiyeen ciidamada militiriga soomaaliya.

Sidoo kale Ruux goobjooge ah oo ku sugan isla xaafadda siliga Ameerigaanka ah ayaa xaqiijiyay in dagaal xoogan oo dhexeeya ciidamo kawada tirsan booliska Soomaaliya iyo ciidamada militiriga,islamarkaana dadka shacabka ee ku nool xaafada silika ameerikanka ayaa cabsi fara badan soo wajahday.

Madaxda Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay ka codsadeen inay wax ka qabtaan  Ciidamada ka socda dowladda ee xaafadahooda bur burinta ku haya, iyaga oo tuhmaya in xildhibaano ay  ka dambeeyaan Arintan.