Somali News

Ciidamo boolis ah oo bisha Ramadaan loo diyaariyay in ay xaqiijiyaan amniga caasimada

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in maamulka gobolka banaadir uu diyaariyay qorshe cusub oo lagu adkaynayo ammaanka caasimada inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee ramadaan ee foodda nagu soo hayso.

Waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu diyaariyay 3.000 ciidamo boolis ah oo si gaar ah loo tababaray inay ka shaqayn doonaan sugidda amniga caasimada, iyagoo jidadkasta iyo xaafadaaha magaalada  Muqdisho roondo ay ku samayn doonaan.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay inay la shaqeeyan ciidamadan cusub, islamarkaasina ay ka qayb qaataan xasilinta amniga caasimada.

Halkan ka dhageyso Codka