Somali News

Ciidamo boolis ah oo la geeyay Matabaan

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ciidamo Booliis ah geeyey Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan waxaana hada si toos Howlihiisii Shaqo u bilaabay Saldhigga Booliiska Degmadaasi si Bulshada loogu Adeego.

Ciidamada halkaasi la geeyey ayaa ah Kuwo Sugi doona Amniga Degmadaasi.

8 maalmood ka hor ayeey dowlada Soomaaliyeed si rasmi ah ula wareegtay gacan ku heynta degmada Matabaan kadib mudo ay halkaasi maamulayay maamulkii Ahlusuna ee dowlada ku biiray.