Somali News

Ciidamo boolis ah oo loo diyaariyay in ay ilaaliyaan xeebaha soomaaliya

Muqdisho-KNN-Kullan looga hadlayey sidii loo heli lahaa Ciidan Boliis oo Awood u leh illaalinta ee Xeebaha dalka, ka hortagga Tahriibka, isku socodka Al-Shabaab iyo Daacish  iyo kuwa ka ganacsadda waxyaabaha maanka dooriya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kullankaas waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana ka qeyb galay Saraakiil ka socotay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan laanta illaalinta Xeebaha dalka.

Taliyaha Xafiiska Ciidanka illaalinta Xeebaha ee Wasaaradda Amniga Muntaasiya Xaaji Jimcaale ayaa sheegtay in muhiimad gaar ah leedahau ilaalinta Xeebaha dalka.

Sidoo kale waxaa isna warbaahinta la hadlay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Amniga Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya C/naasir Siciid Muuse ayaa waxaa uuna sheegay in la joogo waqtigii la soo dhamaystiri lahaa cudududda ciidan xoog leh oo wax ka qaban kara ammaanka xeebaha Badda.