Uncategorized

Ciidamo cusub oo Gaalkacyo Tababar loogu soo xiray.

Gaalkacyo-KNN-Ilaa 200 oo Askari ayaa maanta Tababar loogu soo xiray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug kuwaas oo loo diyaariyay sugidda amaanka Gaalkacyo.

Ciidan oo qaatay Tababar la xariira sugidda amaanka iyo ka shaqeynta meelaha ay ka jiraan dagaal beeleedyada ayaa laga soo kala xulay maamulada Puntland iyo Galmudug waxayna la wareegi doonaan amaanka Gaalkacyo oo ay dhowr jeer ku dagaalamayn dhinacyada Galmudug iyo Puntland.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland iyo sidoo kale saraakiil Ciidamada xoogga Soomaaliya ka mid ah ayaa maanta dhalinyaradaan u soo xiray tababarka waxayna kula dar daarmeyn xaqiijinta amaanka xarunta Gobalka iyo in aysan ku milmin colaad beeleedka ka jira Gobalka.

Gaalkacyo ayaa ah meel marti gilisa dagaal soo taagnaa wax ku dhaw 30 sano, dagaalkaas oo salka ku haaya arimo qabiil.