Somali News

Ciidamo Cusub oo la wareegay ammaanka xaruntka Gobalka Banaadir

Sida la xaqiijiyay Waxaa mas’uuliyadda ammaanka guud ee Xarunta Gobolka Banaadir la wareegay Ciidamo cusub, kuwaasi oo beddellay Ciidamadii hore ee ka tirsanaa Booliska Gobolka Banaadir.

Ciidamada cusub ee la wareegay amniga Xarunta Gobolka Banaadir ayaa ah Ciidamada Birmadka ee ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, waxaana ay fariisimo ka sameysteen goobihii ay ku sugnaayeen Ciidamadii hore ee xarunta amnigeeda waardiyeen jiray.

Wararka ayaa intaa ku daraya Ciidamada cusub ee la wareegay xarunta Gobolka Banaadir in Taliye looga dhigay Sarkaal lagu magacaabo C/salaan oo horay ammaanka Xarunta Gobolka Banaadir Taliye uga ahaa xilligii Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Ciidamada cusub ee lagu wareejiyay Ammaanka Xarunta Gobolka Banaadir ayaa ku soo aaday, xili maalinimadii shalay ay ku beegneed labo bil kaddib Qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ee uu ku geeriyooday Allaha u naxariistee Guddoomiyihi hore ee G/Banaadir Eng. Yariisow.