Somali News

Ciidamo cusub oo lagu wareejinayo amaanka Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in la diyaariyay ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaasi  oo lagu wareejin doonto Amaanka magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay tiradooda gaarayso ku dhawaad kun Askari, kuwaasi oo hada la diyaariyay qorshaha ay ku shaqeyn doonaan Ciidamadaasi.

Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha ciidanka Booliska soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan ciidamada Booliska lagu wareejin doono amaanka caasimada ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa isna arintaasi ka hadlay Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, waxaa uuna sheegay inuu aad u soo dhaweynayo ciidamada booliska ee la diyaariyay, islamarkaana looga tala galay ka hortaga falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.