Somali News

Militariga Itoobiya oo soo gaaray Xuduudda ay Soomaaliya la wadaagto DDS.

Madaxwaynaha Dowlad Degaanka Soomaalidda Mustafe Muxummed Cumar ayaa magaalada Godey ku booqday ciidamada difaaca qaranka Itoobiya.

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomalida ayaa oo sagaatinayay Ciidamadaan una jeediyay khudbad ayaa sheegayin Ciidamada difaaca qafanka JDFI ayaa ku soo biirayaan hawlgalka lagu baacsanaayo Kooxa shabaab.

Waxa uu sheegay in ay qeeyb weeyn ka qaadan doonan La dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaqyo xoogan ka waday Xuduudda kala qeeybiso Soomaaliya iyo Dowlad degaanka.

Ciidamadaan oo gaarayo ilaa labo kun iyo shan boqol oo askari ayaa waxa uu Madaxweynahu carabaabay in xoojinaaya Ciidamada Xooga gaarka DDS ee xudduuda ka difaacaya argagixisada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa dhankooda waxa ay xalay intii ugu badneyd oo ciidan ah ka gudbiyeen xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Dowlad degaanka, kuwaaas oo maanta isku farasaaray degaanka Beer-Gadiid, iyadoona ilaa hatan aan dagaalka kaga helin wax xog ah oo Faah-faahsan.