Somali News

Ciidamo gadood kasameeyay deegaan ka tirsan G/Hiiraan.

Beledweyne-KNN-Wararka aan ka heleeno degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamo Militari ah oo ka yimid dhanka Dowlad Goboleedka Galmudug ay la wareegeen bar Koontaro oo lagu qaado Canshuurta oo ku taal degmadaasi.

Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan waxaa dhawaan maamul u soo magacaabay Dowlad Goboleedka Hir-shabelle, iyadoo degmadaas Galmudug Canshuurta uga qaadaan dhamaan gaadiidka isticmaala ee u kala goosha Matabaan ilaa Gaalkacyo, waxaana kasoo galla dhaqaale badan.

Galmudug ayee u tahay degmada Matabaan  Isha kaliya ee Kastamka islamarkaana dhaqaalo badan uu kasoo galo, iyadoo  ay u joogaan Canshuur qaadayaal iyo Askar ka tirsan maamulkaas.