Somali News

Ciidamo Gadoodsan oo joojiyay Shaqadii ka socotay Taliska booliska degmada cadaado.

Cadaado-KNN-Taliska Booliska Degmada Cadaado ayaa sheegay in Ciidamo Gadoodsan Oo Kacabanaya Mushaar la,aan ay Joojiyeen shaqooyinkii Kasocday Taliska Booliska Degmada Cadaado.

War saxaafaddedka Ka soo baxay Taliska Booliska ayaa  Lagu sheegay in saldhiga uu xirmay ,Waxaana sidaasi warbaahinta u sheegay  Cali Cabdi Cismaan oo ah Dambi Baaraha Saldhiga Booliska Degmada Cadaado.

Sidoo  Kale Cumar Macalin Cali Taliye Ku xigeenka Saldhiga Booliska Degmada Cadaado ayaa sheegay in Xiligaani mushaar la,aan ay hayso Ciidamada Booliska Ciidamo Gadoodsana ay Xireen Saldhiga Booliska Cadaado.