Boosaaso-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Birmad maamulka Puntland ay saakay la wareegeen Xarunta Bankiga dhexe ee magaalada Boosaaso .
Cidiamadan ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan mushahar la’aan, waxaana la tilmaamay in iyagoona careysan ay mudo kooban la wareegeen xarunta Bankiga dhexe ee Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.
Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in ciidanka la wareegey Bankiga dhexe ee Boosaaso ay ridayeen rasaas xoogaan, iyadoona arintaasi ay walaac ku abuurtay dadweynaha isticmaala wadooyinka soo gala Xarunta Bankiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso.
Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa tagay goobta ay la wareegeen ciidanka waxaa ay ka dalbadeen in ay ka baxaan xarunta bankiga dhexe, islamarkaana waxaa loo balan qaaday in ay heli doonaan mushaarka ka maqan.