Somali News

Ciidamo isku rasaaseeyay Jowhar.

Jowhar-KNN-Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa maanta isku rasaaseeyay duleedka waqooyi ee magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ee degmada Jowhar. Ciidamada dagaalamay ayaa ahaa ciidan qaad ka soo qaaday Garoonka Jowhar iyo Ciidan kale oo ku sugnaa Control-ka laga soo galo magaalada.

            Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta ee maamulka HirShabeelle ayaa la sheegay inuu hogaaminayay ciidanka qaadka waday, waxaana isku dhaca Ciidanka uu ka dhacay, Control-ka waqooyi ee magaalada laga soo galo, ma jirto wax faah faahin ah oo ay bixiyeen Saraakiisha amaanka iyo masuuliyiinta gobolka ee HirShabeelle.

            Dhinaca kale, gaari waday dad shacab oo ka baxay degmada Mahadaay ee Shabeelaha Dhexe, ayaa maanta lagu rasaaseeyay duleedka degmada Mahadaay. Gaarigaan ayaa ku soo jeeday tuulooyinka loo yaqaano Afarta Tuulo ee ka tirsan degmada Mahadaay, waxaana falkaan ka dambeeyay koox burcad oo wadada u galay Gaarigaasi. Maamulka gobolka iyo laamaha amaanka ayaan weli ka hadlin dhacdooyinka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabeelle.