Somali News

Ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta ka ambabaxay magaalada Baydhabo

Muqdisho-KNN-Kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiyo ayaa maanta ka ambaxabay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyagoona ku sii jeeda deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa KNN u  sheegay in ciidamada maanta lagu arkayay  deegaano ka tirsan gobalka Baay, kuwaasi oo wata gaadiidka dagaalka.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay qorsheynayaan in ay la wareegaan gacanta ku haynta deegaanka Jameeca oo u dhexeeya Buurhakabada iyo Leego.

Ilo wareedyo ayaa KNN u sheegay in ciidamadan ay deegaanka Jameeco ka saari doonaan dagaalamayaasha Al-Shabaab, oo halkaasi ku sugan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maanta hawada laga saaray dhamaan isgaarsiinta deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya.