Somali News

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Qarax lagula eegtay Gobolka Bay

Beydhabo-KNN-Wararka aan ka heleyno Gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax miino lala eegtay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku safrayay inta udhaxeysa Magaalooyinka Beydhabo Iyo Bardaale.

Qaraxaan ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu qabsaday mid kamid ah Gawaarida ay isticmaalayeen ciidamada Itoobiyaanka ah, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Ciidamadii la qarxiyay.

Wali lama oga tiradda khasaaraha ee Ciidanka itoobiya soo gaaray.

Xarakada Al-Shabaab War ay ku faafiyeen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in iyagu qaraxaasi ay ka danbeeyeen, kuna dileen Askar katirsan Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ay weerareen.