Somali News

Ciidamo ka socda Ghana oo soo gaaray Muqdisho

AMISOM ayaa sheegtay in ciidan cusub oo boolis ah kuwaas oo ka yimi dalka Ghana ay Muqdisho soo gaareen.

Ciidankan oo qeyb ka ah booliska AMISOM ayaa waxaa la geyn doonaa magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Ciidanka ayaa waxay qeyb ka qaadan doonaan sugidda amaanka doorashada Soomaaliya, iyaga oo ka barbar shaqeyn doona ciidanka Booliska Soomaaliya.