Somali News

Ciidamo ka socda Nigeria oo soo gaaray Soomaaliya

Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa sheegay in Ciidamo gaaraya ilaa 144 oo ka socda booliiska Nigeria  ay soo gaareen Soomaaliya maalintii shalay.

Ciidankan oo loogu tala galay ilaalinta xasiloonida ayaa la sheegayaa in 30 ka mid ah la geyn doono Baladweyn halka inta kale ay joogayaan Muqdisho.

Iskuduwaha booliiska ee AMISOM Daniel Cali Gwambal oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in loo adeegsan doono ilaalada gaarka ah iyo galbinta madaxda, tababarrada iyo weliba roondada.

Ciidamo aad u fara badan oo ka kapa socda dalalka Kenya, Uganda, Itoobiya, Burundi iyo wadamo kale ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka qaata howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab