Uncategorized

Ciidamo ka socda Sierra lion oo ku soo biiray Howlgalka AMISOM.+ SAWIRO

Muqdisho-KNN-Ciidamo ka Socda Dalka Sierra lion ayaa ku soo biiray Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM.

Tiradda Ciimaddu waxay dhantahay 145 Askari, waxayna ka mid noqonayaan Qaybta Booliiska ee AMSIOM, sida lagu sheegaya War ka soo baxay howlgalka AMSIOM.

Dhamaan 145-ta Askari waxaa ay u Safreen magaaladda Kismaayo si ay ugu biiraan 15 Sarkaal oo horudhac u ahaa oo horay halkaaas u tagay.

Waa tiraddii ugu badneeyd ee Ciidammo Booliis ah oo Sierra lion ay Soomaaliya keento tan iyo markii uu Biloowday Howlgalka 11 jirsaaday.

Ciidamadaan dheriga ah waxaa lagu keenay Dalab uu sameeyay Golaha Amaanka ee QM oo ku xusnaa Qaraar soo baxay 2017kii, kaasi oo goluhu uu ku dalbaday in Ciidamada Booliiska ee AMISOM lagaarsiiyo 1040 Askari.

“Imaanshahoodu waxa uu xoojin doonaaa Ciidamada Booliiska Maamulka Jubaland, 2016 kii waxaan tababarnay 600 oo booliiska jubbaland ah Ciidamadaan sierra lion-na waxay ka caawin doonaan in ay xoojiyaan howlahooda amaan sugidda, ayey tiri Christine Alalo oo ah kusimaha Taliyaha Booliiska AMISOM.

Waxay uga mahad celisay Dowladda Sierra lion in ay Ciidammo keentay Soomaaliya si ay uga qayb qataan Dadaaladda xasilinta ee  Dalka ka socda.

AMSOM ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay laban laabeeyso Dadaaladda ay ku qoraneeyso Ciidamo cusub oo Booliis ah waqtigaan oo lagu jiro kalaguur uu Howlgaku Ciidamadda Soomaaliya ugu wareejinayo Amaanka Dalkooda.

AMISOM oo Soomaaliya ku Jooga booliis yo military-ba ayaa 11 sano jirsatay, intii ay Soomaaliya jogeen waxay Ciidamadda Dowladda ka caawiyeen In ay Dhul badan ka qabsadaan Al-shabaab, inkastoo Xeel dheereyaasha military aaminsanyihiin in wali aan lagaarin Hadafyo Muhiim ah oo howlgalku lahaa