Balcad-KNN-Goob joogayaal ku sugan degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in Ciidamo ka tirsan AMISOM qarax miino lagula eegtay duleedka degmadaasi..
Qaraxan oo nuuciisa ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu qabsaday mid ka mid ah kolonyada Ciidanka AMISOM, xilli uu marayay degaan lagu magacaabo Il-baq oo ku yaalla duleedka degmada Balcad, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa balse wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada AMISOM ee qaraxa haleelay.