Somali News

Ciidamo ka tirsan booliska Uganda oo la dhigay wadooyinka

Booliska oo xiraya mid ka mid ah taageerayaasha Bobi WineImage caption: Booliska oo xiraya mid ka mid ah taageerayaasha Bobi Wine

Ciidamada Uganda ayaa la geeyay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Kampala iyo magaalooyin waaweyn si ay uga hortaggaan dibadbaxyada ka dhashay markii la xiray musharraxa doorashada madaxtinimada Uganada Bobi Wine.

Uganda waxaa la filayaa inay ka qabsoonto doorashada bisha Jannaayo ee sanadka 2021-ka, balse ololaha doorashada waxaa harreeyay rabshado.

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay guud ahaan dalkaas halka in ka badan 500 la xiray kaddib dibadbaxyadii halkaas ka dhacay, sida ay sheegeen booliska.

Ku xigeenka taliyaha militeriga Colonel Deo Akiiki ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo fara badan loo daabulayo dhammaan waddooyinka waaweyn ee galo caasimadda.

Sidoo kale ciidamada waxaa la geyn doonaan goobaha laga cabsi qabo in amni darro ay ka dhacaan sida kaalmaha shidaalka iyo goobo kale.