Somali News

Ciidamo ka tirsan Dowlada oo dad shacab ah ku rasaaseeyay M/Muqdisho

Muqdisho-KNN-Inta la xaqiijiyay ugu yaraan laba ruux oo shacab ah ayaa geeriyootay afar kalane dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo marayay xaafada Suuqa Xoolaha ay Rasaas ku fureen dad ku sugnay Suuqa Xaafadaas oo mashquul ahaa xiligaasi.

Dadka deegaanka ayaa dhacdadaas ka dib dhigay dibad bax ay ugu soo hor jeedaan dhacdadaas, laakiin Ciidamadii Militeriga oo halkaas ka ag dhawaa ayaa kala ceyriyay dadka isku soo baxay.

Wararka hadda ka imaanaya Xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaa in halkaas uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo Ciidamadii Militeriga ahaa iyo kuwoo Nabad sugid ah, oo Xaafadaas fadhiisimo ku lahaa.

Ciidamada AMISOM ayaa isku dayay in ay kala dhax galaan Ciidamadaas dagaalamaya laakiin waxaa la soo sheegayaa in Mid ka mid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM uu halkaas wax kaga gaareen.

Dagaalkaas ayaa sidoo kale sababay Dab qabsaday Goob shidaal kadib markii ay haleeshay Rasaas ay labada dhinac ay isku adeegsanayeen.

Waa markii labaad oo bishaan gudaheeda ah oo Ciidamadaas ay Rasaas ku furan dadka Suuqaas jooga, iyadoo todobaadkii hore dhacdo nuucaan oo kala ah ay ka dhacday Xaafadaasi.

Mana jirin cid wax iska weydiisay dhacdadaas, iyadoo dhimasho iyo dhaawacba ay ka dhalatay.