Uncategorized

Ciidamo ka tirsan Dowlada oo Qarax Miino lagula beegsaday duleedka Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaaliya qarax Miino lagula eegtay deegaanka Weydow ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa Miino nuuca dhulka lagu aaso, ayaa waxaa laga beegsaday gaari Cabdi-Bila ah oo marayay wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye, gaarigaas oo ka yimid dhanka gobolka Shabeelaha Hoose kuna soo jeeday Magaalada Muqdisho.

Dad deegaanka oo KNN la hadlay waxay sheegeen in ay maqleen dhawaq jug xoogan iyo uuro cir isku shareertay, waxaa kaloo dadka deegaana ay tilmaameyn in khasaaro uu  soo gaaray ciidamada Qaraxa laga beegsaday, inkastoo ay tilmaameyn in aysan hubin inta uu la egyahay khasaaro dhabta ah ee ciidamadaasi soo gaaray.

La soco wixii ka soo kordha.