Uncategorized

Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku dagaalamay degmada Hodan ee G/Banaadir.

Muqdisho-KNN-Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo rag hubeysan oo lagu sheegay Ciidan beeleed ayaa maanta ku dagaalamay Xaafad ka mid ah degmada Hodan ee gobalka Banaadir, waxaana wali taagan xiisad u dhaxeysa Labada dhinac.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu socday Waqti kooban waxaana lagu murmay dhismaha Xaruntii hore ee Shirkadda Coca cola ee ku leedahay Xaafadda Taleex, gaar ahaan Nawaaxiga Carwadii hore ee qaranka oo ka tirsan degmada Hodan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Ciidan qaab beeleed u abaabulan ay halkaasi saldhig ka dhigtayn Islamarkaana ay doonayaan in laga dhigo meel lagu iibiyo qaad balse ay diidayn Ciidan ka tirsan Dowlada Soomaaliya waxayna arintaasi ay sababtay in uu dagaal ka dhaco xaafadaasi.

Lama ogo ilaa hadda inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in uu jiro Khasaaro uu geestay dagaalkaasi.

Labada Ciidan ee dagaalamay ayaa hada ku kala sugan goobihii ay joogeyn waxaana wali taagan xiisad u dhaxeysa, Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga ayaa hakad la giliyay, waxaana laga Cabsi qabaa in halkaasi ay Howlgal mar kale ka sameeyaan Ciidanka Dowladda si loo soo qab qabto raga Ciidamo beeleedka ah ee halkaasi ku sugan.